MADAXDII HORE OO TABEELE OLOLE DOORASHO U ISTICMAALAYA HOWSHAASI 8 SANO OO ISKU XIGTA AY QABAN WAAYEEN GOBOLKA BANAADIR METELAAD DHAB INUU YEESHO!!!

0

 

Kullankii Madaxwynaha xilligan Md. Maxamed Claahi Farmaajo iyo 2-dii Madaxweyne ee ka horeeyay Md. Shariif Sheekh Axmed (2009-2012) iyo  Md. Xasan Sheekh Maxamuud (2012-2017) ayaa waxaa ku jiray turxaan bixinta mad-madowgii ka dhashay xayiraadihii kala duwanaa ee Kismaayo & Beledweyne ka sokow qodob aasaasi oo ay kaga wada hadleen in metelaad dhab ah uu yeesho G/Banaadir oo ah arrin marar badan laga dhawaajinayay tobanjkii sano ee ugu danbeysay balse aanan wax laga qaban, taasi oo noqotay Tabeele beer laxawsi oo Siyaasiyiinta ma dhalayska ay ku beer laxawsadaan dadweynaha G/Banaadir ee Caasimadda Muqdisho oo ah goobta kaliya ee hay’adaha dowlada ka helaan Canshuuraha kala duwan oo ay ku shaqayso Dowlada Federaalka Soomaaliya  iyadoo gobolada kale eel eh dakhliyada dhaqaale oo la wada og soon yahay ay ku dhaqmayaan KAYGANA ANIGAA LIHI KAAGANA WAAN KULA LEEYAHAY oo Jamhuuriydii dhamayd ee 18 Gobol ahay ay wada biilato misana ay u dheer yihii daruufo badan oo cid looga sheekaynayo aysan jirin ileyn war la qabaa xiiso ma lahe’e tiiyo ay u dheer tahay jid gooyooyin, canshuur aan cidi u aabe yeelaynin, ammni xumo iyo caqabado badan oo aan la soo koobi karin oo laga wada dherergsan yahay.

Helida metelaad dhab ah waxay ugu yaraan keeni lahayd madax la soo doorto iyo isla xisaabtan dhab ah oo qiimo iyo  muunad  u yeeli lahayd G/Banaadir oo ah Muraayadii Waddanka Soomaaliya  ee Caasimada Qaranka oo aan la kala xigin oo ruux Soomaalinimo ku abtirsado ku soo hirto oo aan lagu faquuqayn marka laga reebo dooda maran ee ah “ UNUKAA ISKA LEH”.

Ku doodida helida  metelaad dhab ayaa u noqotay oraah Munaafaqnimo & Awr Kacsi  ku  dhisan. tabeelo olole siyaasadeed lagu awr kacsado oo ay la soo qoomaaraan Siyaasiyiinta danaystayaasha oo aan marnaba ka daalin kana xishoonin in dadweynaha boqolaal jeer  ugu soo celinayaan oo ay ku beer laxawsanayaan inay u adeegayaan  oo markii ay danahooda siyaasadeed gaaraan meel dheer ka mara shacbka Muqdisho oo u ooman waxqabad iyo metelaad dhab oo qowl iyo ficil is waafaqsan leh  oo aan ahayn ha lgaa maqlo iyo danaysi aan meel jirin oo magac dil iyo quus galinaysa shacabkaan ka daalay weeraha maran iyo danaysiga siyaasadeed.

Dulucda maqaalkayga ayaa ah madaxdii hore gaar ahaan 2-dii Madaxweyne (Sharrif & Xasan Sheekh) ayaa si xishood darro ah iyo waxaan loo fadhin la soo yurara in dadka G/Banaadir ay metelaad dhab helaan waxay fahmi la’yihiin oraahda dhahaysa QOFKA HAL MAR WAA DOQMAYSAN KARTAA BALSE WELIGAA MA DOQOMAYAN KARTID  oo dadka in dheer garadka ahi fahmi karaan oo dhuuxi karaan  micnaha buuxa ee Oraahdaas  waayo muddo 8 sano iyo dheeraad oo talada dalka hayeen oo wax uun ka  bilaabi lahaayeen arrintaasi hil xiraalaha ku noqotay shacabka G/Banaadir iyo Ummadda Soomaaliyeed oo isku Mustaqbal iyo Yididiilo leh  oo si Xalaal Iyo Mukhlasnimo umaadda loogu adeego oo xili doorasho walba Tabeelo hore loogu daalay lala soo baxo oo dadka been iyo huu-haa lagu indho sarcaadiyo oo lagu danaysto oo adduun iyo aakhiro lagu liibaanaynin.

Hana ogaadaan kuwa weli u heelan inay shacbkan dulman doqomaystaan ay intii hore ka waayo aragnsan yihiin soona jeedaan lana qaldi karin, hadda kadib ee xishoodka iyo qaayaha damiirka dadnimo iyo islaanimo ha shaqeeyo

 

Nin hora laga sheegay “SHALAY OO AAN TABAR HAYAY TALO MA HAYNIN MAANTA OO TALO HAYO TABAR MA HAYO” oo  muujinaysa kuwa la taahaya Metelaad Dhab ah &  Maqaamka Muqdisho nagu filaan BES  KAFAA… KU JOOGSADA MEESHIINNA”

 

Shacabka G/Banaadir waxay leeyihiin BES BES BES NAGU FILAN KAFAA …. Wabilaahi Towfiiq

Dareen Muwaadin Muqdisho

 

W.Q. Maxamuud Yusuf Culusow

Mail: mohamudulusow@gmail.com

Muqdisho, Somalia