Madaxwayne Deni oo gaaray Kismaayo

0

Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland waxaa gaaray wafdi uu hoiggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga oo Xubno kala duwan isugu jira ayaa shalay la filayay inay tagaan Magalada Kismaayo,iyaga oo kasoo ambabaxay Magalada Boosaaso,hayeeshee waqtiga uu ciriiri ku noqday sidaasina ay ugu hakadeen Magalada Garoowe.

Soo dhaweynta wafdiga Madaxweyne Deni ayaa waxaa a qeyb-qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe,Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan & C/Kariin Xuseen Guuleed & qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Deni iyo wafdiga la socda ayaa waxaa ay ka qeyb-geli doonaan Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dhawaan ka dhaceysa Magaalada Kisamayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Magalada Kismaayo ayaa waxaa laga dareemayaa wufuud kala duwan oo kusii qul quleysa,waxaana la filayaa in sidoo kale ay halkaasi tagaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud.