Madaxweynaha Burundi oo ka digay in ciidankiisa laga saaro Soomaaliya!

0

Madaxweynaha Burundi Evariste Ndayishimiye oo ayaa ka digay qorsha ciidanka Midowga Afrika (AMISOM) looga saarayo Soomaaliya, taas oo dib u dhigi karta “guulaha illaa iyo hadda laga gaaray soo celinta nabadda iyo amniga gobolka” sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo ka hadlaayay qorshayaasha lagu dhimayo ciidamada ka jooga Soomaaliya si loogu diyaar garoobo in si buuxda ciidanka AMISOM, looga saaro Muqdisho, taasoo qayb ka ahayd talo soo jeedintii Golaha AUN ee 2017, ayuu sheegay in Al Shabaab ay wali khatar yihiin amaanka gobolka geeska Afrika.

Madaxweyne Ndayishimiye oo ka hadlay shir jaraa’id Isniintii bilowgii booqashadiisa laba maalmood ee Kenya ayaa taa badalkeeda wuxuu ku booriyay wadatashi ka hor inta aan go’aanka noocaas ah la gaarin.

“Qorshe kasta oo la doonayo in lagu yareeyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya waa in la tixgeliyaa heerka ay gaarsiisan tahay khatarta Al Shabaab si aan loo lumin qeyb ka mid ah dhulkii ay horay u qabsatay AMISOM. Dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya iyo sidoo kale Midowga Afrika waa in lagala tashadaa qorshe kasta oo lagu dhimayo ciidamada ka jooga Soomaaliya, ”ayuu yiri madaxweyne Ndayishimiye hadal uu ka jeediyay xarunta loo yaqaan ‘Lodge ee Kisumu ee dalka Kenya.

AMISOM waxa ay soo gashay Soomaaliya 2007, gaar ahaan in ay ka taageeraan dowladda Soomaaliya la dagaallanka Al Shabaab iyo dagaalyahanada kale ee ka soo horjeeda Dowladda. Wadamada ay ka socdaan howlgalka AMISOM waxaa ka mid ah Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

Ciidamada AMISOM ayaa loo qorsheeyay in ay baxaan Soomaaliya December 2021 kadib markii Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay (UNSC) ay kordhiyeen mudada loo qabtay oo ah 28-ka Febraayo.

Sida ku xusan Qorshihii ku meel gaarka ee Soomaaliya ee 2017 oo ay ansixiyeen Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika iyo Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya wuxuu kuxiran yahay fulinta seddex mudnaan oo ay kamid yihiin in ciidanka Soomaaliya la wareegaan hoggaanka howlgalada, dhisida awooda ciidanka Xoogga dalka iyo taageero la siiyo dhismaha ciidanka Soomaaliya.

Madaxweyne Ndayishimiye ayaa sheegay in Al Shabaab ay] weli khatar weyn ku ah Soomaaliya iyo meelo ka baxsan isaga oo intaasi ku daray in ay kordhiyeen weeraradooda bilihii la soo dhaafay.

Guulaha dowladda Soomaaliya waxaa sidoo kale hoos u dhigay xasilooni darada siyaasadeed ee wadanka galay sanadihii la soo dhaafay, iyadoo lagu guuldareystay qabashada doorashooyinka qorshaysnaa dabayaaqadii sanadka 2020 iyo horaantii 2021 taasoo sare u qaaday xiisadda.