Madaxweynaha DG Puntland oo maanta kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Mareynka.

0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya  Soomaaliya Larry André Jr.

Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka Mareykanka Soomaaliya u fadhiya ayee uga wada hadleen xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Amniga iyo Abaaraha. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska DG Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa uga mahadcelshay qaabilaadda Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry André Jr, dhanka kale Safiirka ayaa Madaxweyne Dani uga mahadcelshay booqashada uu maanta ugu yimid.

Saciid Cabdullaahi Deni oo ah Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa ka mid ahaa musharaxiinta Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas uu ku soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.