Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Guddiga la Magacaabey

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Soo dhaweeyay magacaabidda Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Guddigaan oo ay Magacaawday Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo ka kooban 13 Xubnood ayaa waxaa ay dhexdooda iska dooran doonaan guddoon Cusub, iyaga oo guda geli doona dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Qoraal kasoo baxay Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in uu soo dhaweynayo Magacaabista guddigaan,isla markaana uu qeyb ka ahaa dhisida Guddiga farsamada Maamul u dhisida Galmudug, isaga oo baaq u diray guddiga Cusub iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.