Madaxweynaha Galmudug oo laga codsaday inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

0

Guddiga maamulka doorashada heer Dowlad goboleed ee Galmudug ayaa warqad codsi ah u diray Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor inuu Soo gudbiyo liiska musharixiinta utartamaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxa uu ka.mid yahay Maamulada aysan weli ka bilaaban  doorashada Aqalka Sare.

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa qabtay doorashadii ugu horeysay ee Aqalka Sare,halka Maamulka Koofurgalbeed uu qabanayo doorashada 2da bishan oo ku beegan maalinta berri oo Isniin ah.

madaxweynaha galmudug oo laga codsaday inuu soo gudbiyo liiska musharaxiinta aqalka sare