Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo oo maanta hortagayo Golaha Shacabka BFS.

0

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah 1-da May 2021 hortagaya Golaha Shacabka BFS si uu u fuliyo ballanqaadkii uu sameeyay 28-ka April 2021 oo ah in uu kala hadlayo Sharciga Jiheynta Doorashooyinka, dib ugu laabashada wadahadalkii Afisiyooni & in Dalka uu aado doorasho.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa kulamo gaar gaar ah caasimadda ku yeeshay Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaa taagan dareen ka dhashay in fadhiga maanta mooshin laga wado Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya inkasta oo Guddoonkooda uu beeniyay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 28-kii April 2021 sheegay in uu tixgelinayo go’aanka Golaha Shacabka uu ku laalay wadahadalkii salka u ahaa Heshiiska 17-kii September 2020 & is afgaradkii guddiga farsamo ee Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir ee Baydhabo ku kulmay 16-kii Febaraayo 2021.

“Waxaa waajib igu ah in aan isku dheelitiro heshiisyada siyaasadeed ee horay loo gaaray & sharciga uu meelmariyay Golaha Shacabka, wadada keliya ee furan waa wadahadalka, isu tanaasulka waxaana muhiim ah in miiska wadahadalka la isugu soo laabto si loo dhammeystiro heshiiskii 17-kii September 2020 iyo is afgaradkii Baydhabo 16-kii Febaraayo 2021” Sidaasi waxaa yiri MW Farmaajo.

Go’aanka taageerada waayay Aqalka Shacabka ayaa meesha ka baxaya sida qorshuhu yahay, fadhiga Baarlamaanka ayaa indhaha lagu hayaa maadaama isbadalka siyaasadeed ee dhacay uu saameyn karo tallaab weliba uu qaado Golaha.

Wakiilada Beesha Caalamka, Ururo & Dowladaha taageera Dowladda Federaalka oo kahor yimid muddo kororsiga ayaa sugaya natiijada kasoo baxda fadhiga Golaha Shacabka BFS, waxaana ay si cad u taageereen in wadahadalka dib loogu laabto.

Mustaqbal