Madaxweynaha Philiiine waxa uu diyaarad ka soo tuuray dad lagu tuhunsanaa in musuq maasuq ku kaceen

0

Madaxwaynaha dalka Philippine, Rodrigo Duterte ayaa ugu hanjabay saraakiisha ku kacda musuq maasuq uu ka soo tuuri doono diyaarad hawada maraysa, isaga oo sheegay in uu sidaas sameeyay hadda ka hor.

Wuxuu intaa sii raaciyay in qofkii musuqmaasuq sameeya uu magaalada Manila diyaarad kuwa-qumaaatiga u kaca ah uu ka saari doono ka dibna uu hawada ka soo tuuri doono.

Duterte ayaa wada dagaal ka dhan ah daroogada iyo musuqmaasuqa. Waa sheegashadii u dambaysay ee ku aadan in madaxwaynuhu uu gacantiisa dad ku laayay

Afhayeenkiisa ayaan wax wayn ka soo qaadin hadalkaas madaxwaynaha wuxuuna sheegay in uu dhal magaalo yahay.

Bishan horraanteediina afhayeen kale oo la dheho Martin Andanar ayaa sheegay in ay dhabtahay madaxwaynuhu waxyaabaha uu ka hadlo balse aysan ahayn in sidiisa loo qaato hadal kaste oo uu dhaho.

Duterte ayaa hadalkan u dambeeyay ka sheegay isaga oo Salaadadii khudbad u jeedinaya dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay duufaantii ku dhufatay badhtamaha Philippine.

Ciqaabta diyaaradda la iska soo tuurayo ayuu u jeediyay qofkaste oo isku daya in uu xado gargaarka uu u balan qaaday dadka dhibaataysan.

Wuxuu sheegay in uu horay sidaas u sameeyay, haddana aysan jirin sabab u diidaysa in uu ku celiyo ficilkaas, dadkii uu la hadlayay ayaana u sacabeeyay.

Muuqaalka laga duubay khudbadan waxaa baahisay madaxtooyadda.

Khamiistii ayuuse madaxwaynuhu u muuqday in uu iska fogaynayo sheegashadiisii hore

“In qof laga soo tuuro diyaarad? Haddii ay taasi run tahay sidaa ma samaynayo ,” ayuu u sheegay ABS-CBN news oo uu waraysi siiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here