Madaxweynaha Puntland oo kala diray Golaha deegaanka Gaalkacyo

0

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa waxaa uu ku kala diray golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Wareegtada lagu kala diray oo aheyd xeer Madaxweyne ayaa lagu sheegay in markii uu arkay tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo warbixinta Hanti dhowrka Guud ee Puntland la kala diray Golaha deegaanka.

Sidoo kale Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Puntland ayaa lagu magacaabay Maamul KMG oo ay yeelato degmada Gaalkacyo.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxay kala yihiin:

  1. Waxaa Maxamuud Cabdinuur Aadan loo magacaabay Guddoomiye kumeel-gaar ah ee Degmada Gaalkacyo
  2. Waxaa Shaafici Cabdullaahi Xaashi loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeen kumeel-gaarka ah ee Degmada Gaalkacyo
  3. Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay, waxaana uu ka dambeeyay markii Madaxweyne Deni uu kala diray golihii degaanka degmada Gaalkacyo