Madaxweynaha Soomaaliya & Xoghaya Arrimaha dibadda Maraykanka oo ka wadahadlay iskaashiga labada Dal.

0

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony J. Blinken iyo Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa ay ku wadahadleen khadka isgaadhsiinta, iyada oo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanku uu hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Ned Price, labada masuul ayaa ka wadahadlay danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Maraykanka iyo sida Soomaaliya looga taageerayo jidka ay u hayso dhinaca dimuqraadiyadda iyo xasiloonida.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, Ned Price oo sharraxaad ka bixinaya qodobada ay ka wadahadleen xoghayaha arrimaha debedda Maraykanka iyo Madaxweynaha Xasan ayaa yiri “Waxa ay ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiin siyaasadeed, horumarinta ciidamo amni oo la wareegi kara mas’uuliyadda howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee ATMIS, iyo dib u habeynta dhaqaalaha, ee lagama maarmaanka u ah dhameystirka waddada deyn cafinta ee Soomaaliya.”

Wuxuuna Ned Price hadalkiisa sii raaciyey “Isagoo xoghaye Blinken xusaya go’aankii dhawaan Madaxweyne Biden uu ku sheegay in si joogto ah Soomaaliya dib loogu celiyo ciidamada Maraykanka, xoghayuhu wuxuu u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya taageerada joogtada ah ee Maraykanka ee dadaalka ay dowladda Soomaaliya iyo ururka Midowga Afrika ugu jiraan la dagaalanka khatarta kooxaha argagixisada ah.”

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo doortay Madaxweyaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, asiga oo loo doortay 15 May, 2022 ka gadaal markii uu wareegii seddexaad ee doorashada uu ka guuleystay Madaxweyahii 9aad ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xilka wareejiyay 23 May, 2022

Mustaqbal / VOA