Madaxweynaha Uganda oo ku baaqay in la dhiso ciidanka Soomaaliya

0

Madaxweynaha dalka Uganda oo ka hadlayay Kulan ka dhacay Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo dhiso ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed si looga maarmo ciidanka AMISOM.

Madaxweynaha Uganda ayaa sidoo kale xusay in dalalka Caalamka laga rabo in ay  taageeradda ay siiyaan Ciidanka AMISOM in loo wareejiyo dhismaha Ciidanka Soomaaliya si ay dalka ula wareegaan.

Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni Waxaa uu xusay in Mas’uuliyiinta Soomaalida iyo Caalamka ay laga rabo dadaal badan oo ku aadan tayeynta Hay’addaha kala duwan ee Ammaanka Soomaaliya.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Museveni ka dib markii uu Aqalka Madaxtooyadda ee Entebbe kula kulmay Wafdi ka socday Dowladda Maraykanka oo ay hoggaaminaysay Kaaliyaha cusub ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Bariga Afrika, Ambassador Makila James.