-Madaxweyne Cosoble:- “Ma Ogolin Mana Aqbaleyno in dalka laga abuuro khalkhal siyaasadeed. RX

0

Warsaxaafadeed:-Madaxweyne Cosoble:- “Ma Ogolin Mana Aqbaleyno in

dalka laga abuuro khalkhal siyaasadeed.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi

Cosoble ku Tilmaamay in Khalad ay tahay Go’aanka Maxkamadda Sare Dalka

ee ah in Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda ee la

dhaariyay in la dhaho kuraastiina waa lagu noqonayaa, taasi oo ku

tilmaamay in ay ka hor imaaneyso dadaaladii loo soo maray dhisida

dowladnimada.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in 8dii Xildhibaan, horey go’aan ay uga

gaareen Madasha Wadatashiga Qaran ee u Xilsaarnaa ka gudbitaanka

Xiliga kala guurka oo ahaa in sharci ay yihiin islamarkaana loo

dhaariyay in ay gutaan waajibaadka Qaran ee loo doortay, waxaana uu

carabka ku adkeeyay Madaxweynaha in sharci daro ay tahay in Go’aan

Baarlamaanka uu ka gaaray ee ah in xildhibaanadaasi ay sharci yihiin

in mar labaad maxkamadda Sare ee ka hortimaado go’aankaasi.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullah

Cosoble Siyaad oo sii hadlay aaa sheegay in Baarlamaanka JAmhuuriyadda

Federaalka Oo Cod Aqlabiyad ah oo 180- Xildhibaan haa ay u codeysay in

Xildhibaanadani sharci yihiin islamarkaana aanan laga hor imaan Karin.

 

“Waxaa sharci ah Go’aanka Baarlamaanka Dalka, Marna ma ogolin mana

aqbaleyno in la khilaafo go’aanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda, ujeedada

laga leeyahay in la abuuro khilaaf siyaasadeed misana la iska diido

go’aanka golaha shacabka qaab aan u fasirno ma naqaano” Ayuu

Hadalkiisa Sii Raaciyay Madaxweyne Cosoble.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Cali

Cabdullahi Cosoble oo sii hadlay ayaa ka digay in xasilooni

siyaasadeed dalka la galiyo, waxaana uu soo jeediyay in loo hogaansamo

go’aanada oo sharci ay ku fadhiyaan 8-da Xildhibaan ee Maxkamadda Sare

Muranka galisay.