MADAXWEYNE FARMAAJO IYO MADAXWEYNIHII HORE XASAN SHIIKH MIDKEE BAA JID XIRASHO BADAN?

0

Jidka waa la xeray, askari si carro {xanaaq} leh kaala hor imanaaya noqo wadada waa go’an tahay, Madaxweynaha Wadanka ayaa laamiga maraya, imaanshaha wafdi caalami ah ayaa jidka loo gooyay iyo erayo kale oo aad loo dhibsadey ayaa inta badan kala kulmaysaa Magaalada Muqdisho.

Oday waayeel ah, habar duq ah, qof xanuunsan oo cisbitaal loola cararayo, shaqaale shaqo ka daahaya iyo arday iskuul laga xeranayo midna looma naxariisto ee dib u noqo ayaa meel u taal, waxba kuma aha Dawladda Federaalka inay xerato waddooyinka hal-bowlaha ah ee ku yaalo Faras Magaalada, kuwaasi oo isu socodka gaadiidka iyo bulshada muhiimka u ah.

Madaxweyne Farmaajo xilligii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu balan qaaday haddii la doorto inaan shacbiga danta yarta ah wadooyinka lagu dhibi doonin, wey geeriyootey rajadiii ummadda ee ku aadaneyd inay dhamaan doonto jid xerasho dambe, subaxdii marka aad soo toosto ama galabtii marka la gaaro waxaad maqlaysaa waddo hebel waa xeran tahay, quus ayay shacbiga ka taagan yihiin jidadka joogtada noqdey ee maalin kasta la xerayo.

Dhaqan ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud waxaa la moodaa inay ka siman yihiin jid xerashada, Haddaba adigoo qiimaynaya jid xerashadii shallay jirtay iyo tan maanta taagan yaad is leedahay Farmaajo iyo Xasan Sheikh midkee baa jid xerasho badan? Fadlan nala wadaag fekerkaaga.