Madaxweyne Farmaajo oo gudi u xilsaaray isku dhacyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

0

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah ka qaatay isku dhacyo sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo ciidanka soo gaaray xiisadna ka dhax abuuray.

Madaxda ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin dhibkii dhacay ayna ku baaqayaan in cadaalada la horkeeno dadkii ka danbeeyay falkaasi iyagoo dalbaday in la qaboojiyo xaaladda.

Kulankan oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Amniga, Wasiiru kuxigeenka Gaashaandhigga, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirka Maaliyadda, Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida, Taliye kuxigeenka Milateriga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddi xaqiiq raadin ah oo baaritaan ku sameeyay shaqaaqadii shalay magacaabay, waxaana guddigan Guddoomiye u ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid)

Kulanka kaddib ayaa Taliyaha Booliska oo ay wehliyeen Wasiirka Amniga, Taliyaha NISA, Wasiirka Amniga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxay kormeer ku tageen goobihii ay shaqaaqada ka dhaceen ee agagaarka Madaxtooyada.

Taliyaha NISA C/llaahi Sanbaloolshe oo ugu horeyn ka hadlay goobtii shaqaaqada ka dhacday ee agagaarka Tiyaatarka ayaa sheegay in dhamaan ciidamadii ku lugta lahaa is rasaaseynta xabsiga la dhigay baaritaan la sameyn doono, isagoo xusay in wixii natiijo ee ka soo baxa la fulin doono.

Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa xiisad ka dhalatay isku dhacdyada ciidanka iyadoo aad moodo xiisadda u dhaxeysa labada ciidan mid mudo soo taagneed oo la isku ciil baxay.

Muqdisho-Xogdoonnews.net 

W/Q/ Xuseen Cabdulle Maxamed

Email Rooma03@gmail.com