Madaxweyne Farmaajo oo ku wajan dalka Qatar ( Akhriso Ujeedka)

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in socdaalkii Afaraad uu ku tago dalka Qatar oo saaxiibo dhow la ah Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya,isla markaana uu la kulmo Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani,isla markaana Maalinta berito ah ay kulan gaar ah yeelan doonaan.

Shalay ayaa waxaa dalka Qatar gaaray wafdi horudhac u ah safarka Madaxweyne Farmaajo oo uu ka mid yahay Agaasime kuxigeenka NISA Fahad Yaasiin.

Wakaalada wararka ee Qatar ayaa shaacisay in Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya labada iyo xoojintooda.

Safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo dalka Qatar ayaa imaanaya saacado kadib markii shalay Gelinkii dambe uu kasoo laabtay safar uu ku tagay dalka Masar,halkaas oo uu uga qeyb galay Shir madaxeedkii dalalka Carbeed iyo Midowga Yurub.