Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Weeraray Maamul Gobolleedyada

0

Khudbadii adaxweyne Farmaajo Ee Furitaanka Kalfadhiga lixaad Ee Baarlamaanka ayuu si maldahan u weeraray maamul Gobolleedyada Dalka.

Waxa uu Farmaajo sheegay in Awooda dawlada Dhexe ay tahay mid cad islamarkaana Dawlad Gobolleedyada aysan isla simi Karin Dawlada Dalka hogaamiso.
Madaxweynaha ayaa ku dhego hadlay Jubbaland oo ah mid hadda culeyska ugu weyn Dawlada Saareyso,maadaama ay sheegtay inaysan Aqoonsaneyn dib udoorashadii Axmed Madoobe.

“Nidaamka Federaalka waa nidaam umadda Soomaaliyeed ay dooratay waa hab maamulka dowladeed, umadda soomaaliyeed illaa iyada ka go’aansato inay wax ka bedesho dowlad ama koox gaar wax ka bedeli karta aysan jirin, waxaa nasiib daro in dad gaar ah si qaldan u fahmeen nidaamka federaalka wuxuu si cad u qeexayaa awoodaha dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, dowlad goboleedyada ma siineyso madax banaani gaar ah, waxaa idin xusuusinayaa ilaalinta Qaranimada Madax banaanidiisa waxay saaran tahay dowladda Federaalka”

Madaxweynaha waxa uu sidoo kale ka hadlay in Dalka loo baahan yahay laga shaqeeyo Dagaalka lala gelayo Al Shabaab.