Madaxweyne Sh Shariif Sheekh Axmed oo Shacabka Hambalyo u diray

0

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku sugan Dalka Uganda ayaa Hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed,waxaana uu ugu baaqay in ay Iscafiyaan oo ay Gacmaha isqabsadaan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale Shacabka ugu baaqay in ay Gargaaraan Dadka Danta yar ee aan Awoodin in ay Ciidaan islamarkaana waxa Alle Siiyay dadka wax haysta ay siiyaan kuwa aan wax haysan.

Dhamaan Muslimiinta ayaa maanta u dabaal degaya munaasabada Koowaad ee Ciidul Adxa,waxaana si weyn looga dareemayaa dhamaan Gobolada dalka Soomaaliya.