Madaxweyne Xasan & Guddoomiye Madoobe oo kawada hadlay xaaladda kala guurka Dalka.

0

Madaxweynaha 10aad JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ayaa kawada hadlay Xaaladda dalka gaar ahaan howlaha horyaalla DFS.

May be an image of 1 person, sitting, suit and indoor

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa diiradda saaray qorshaha lagu wajahayo marlaxadda lagu ambabixinayo Dowladdii dalka ka shaqeyneysay si loo saldhigo Maamulkooda cusub.

May be an image of 1 person, sitting, suit and indoor

Abaabulka Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynihii 9aad ee DFS ayaa ka socda Magaalada Muqdisho si uu xilka ugu wareejiyo Madaxweynaha 10aad Jamhuuriyadda Federaalka ee la doortay 15kii May 2022.

May be an image of 3 people, people sitting and indoor

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu heystaa muddo uu kusoo xulanayo Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka oo marka uu ku dhawaaqo kaddib u gudbinaya Golaha Shacabka BFS haddii uu codka kalsoonida uu u helo uu usoo magacaabo golihiisa Wasiirada.