Madaxweyne Xasan oo kulan la qaatay wakiilka gaarka ee QM u fadhiya Soomaaliya.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay maanta wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Ambassador James Swan.

Kulanka Madaxweynaha iyo wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya ayaa ku saabsanaa Hambalyo uu Safiirka ugu Hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh guusha uu ka soo hoyay Doorashadii ka dhacday Caasimadda 15 may 2022.

Madaxweyne Xasan & Ambassador James Swan ayaa waxa ay ka wada hadleen sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda.

Dhanka kale Madaxweynaha JFS  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay safiirka dowladda Itoobiya u jooga Soomaaliya Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan, asiga oo Madaxweyne Xasan ka guddoomay dhambaal uu uga siday Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu la kulmay labadii maalin u dambeeyay safiirada u fadhiya dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya, asiga oo maanta uu qaabilay ku dhawaad lix safiir oo ka mid ah safiirada Soomaaliya u jooga dalalka Caalamka.