Magaalada Baraawe oo ka socota doorashada 6 kursi oo ka mid ah kuraasta BFS.

0

Magaalada Baraawe ee Caasimadda Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka socota doorashada 6 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Lixda kursi ee maanta doorashadoodu ka socota ayaa waxa ay ka mid yihiin 13 kursi uu Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Dowlad Gobaleed SEIT Koonfur Galbeed uu shaaciyay 11 Febraayo 2022.

Doorashada kursiga koowaad kaas uu tirsigiisa uu yahay HOP#062, waxaana ku soo baxay Aweys Maxamed Cumar kaas oo helay 80 cod halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Abuukar Maxamud Macalin Cumar uu heley 20 cod. Sida uu ku dhawaaqay SEIT Koonfur Galbeed.

Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Cali Yuusuf Cismaan.

May be an image of 5 people and suit
Aweys Maxamed Cumar

Waxaa xigtay doorashada kursiga labaad kaas uu tirsigiisa uu yahya HOP# 251, waxaana ku guuleysatay markale Nuuracayn Khaliif Sheekh Abuu ayaa heshay 90 cod halka musharaxii la tartamaysay oo aheed Faaduma Abuukar Shekh ay heshay 8 cod. Sida uu ku dhawaaqay SEIT Koonfur Galbeed.

May be an image of 3 people, people sitting, people standing and headscarf
Nuuracayn Khaliif Sheekh Abuu