Mahdi Guuleed oo ka haray doorashada aqalka sare ee goboladda Waqooyi.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland) ka guddoomay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Cabdi Xaashi iyo Guulleed ayaa soo gudbiyay xubnaha ku tartamaya 11 kursi ee ay Aqalka sare ku leeyihiin goboladda Waqooyi ee dalka.

Cabdi Xaashi ayaa mid ka mid ah kuraasta loo xiray sida ka muuqata jadwalka la soo gudbiyay.

Mahdi Maxamed Guulleed oo la filayay in uu ka soo muuqdo liiska ayaa laga reebay.

No photo description available.

No photo description available.