Majaajiliiste Ajakis oo Muqdisho ku geeriyooday.

0

AHUN Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ahaa Majaajiliiste ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho, maalmihii lasoo dhaafay ayuu xannuunsanaa marxuumka waxaana la dhigay Isbitaalka Yardimeli.

Agaasimaha Tv-ga Universal Cabdullaahi Xirsi Kulmiye oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in umadda Soomaaliyeed guud ahaan uu ka codsanayo in ay u duceeyaan Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis).

“Allaha u naxariisto walaalkeen Cabdi Muriidi Dheere Ajakis waa uu xannuunsanaa maalmahaan, isbitaalka la geeyay ayuu ku dhintay, waxa aan umadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay u duceeyaan Marxuumka” ayuu yiri Cabdullaahi Xirsi Kulmiye.

Cabdi Muriidi Dheere Ajakis waxa uu kamid ahaa Dadka aanay dalka ka bixin muddaadii burburka iyo dagaallada sokeeye ay ka socdeen, waxa uu jilay Ruwaayado lagu u badan wacyigelinta Bulshada.

AHUN Cabdi Muriidi (Ajakis) kaalin weyn ayuu ku lahaa qaybta tarjumaadda Filimada & musalsalada Ajaanibta ee loo bedello Afka Hooyo si ay u fahmaan dadka daawanaya oo aan garaneyn Afafka Shisheeye.

Dadka ka taciyeeyay Geerida AUN Ajakis

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay Geerida AHUN Cabdi Muriidi Dheere Ajakis, ‘waxa uu alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Firdowsa. Aamiin’.

Wasiirka Warfaafinta XFS Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariiste Cabdi muriidi Dheerre Ajakis oo ka mid ah bahda fanka iyo warbaahinta Soomaaliyeed.