Maraykanka oo soo bandhigay Magaca iyo Sawirka Askarigii looga dilay Somalia

0

Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in askari kooda ah lagu dilay dagaalkii Ciiddanka Maraykanka iyo Alshabaab ku dhex maray duleedka Kismaayo.

Qoraal kasoo baxay waaxda Difaaca Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in magaca Askarigii looga dilay dagaalkii al-Shabaab, kaa oo lagu dhaawacay tirro kale.

Waaxdu waxa ay magaca askarigaasi ku sheegtay Alexander W. Conrad, oo 26-jir ah, kaasi oo ku dhintay rasaas noolnool oo ay ku dhufteen maleeshiyaadka al-Shabaab oo ay wada galeen dagaal toosa.

Waxaa lagu sheegay in darajo ahaan uu ahaa 3-alifle, hase ahaatee uu sababsaday rasaasta al-qaacidada Somalia ee al-Shabaab.

Alexander W. Conrad, ayaa ka tirsanaa Guutadda 1-aad, Kooxda 3-aad ee Ciiddanka Khaaska Maraykanka ee uu fadhigooda dhexe ku yaallo North Carolina, sida ay qortay waaxda.

Si kastaba ha ahaatee, waaxdu weli kama aysan hadal dhaawacyada iyo magacyada afarta Askari ee ciiddanka Maraykanka looga dhawaacay dagaalkii ay al-Shabaab kula galeen Deegaanka Sanguuni oo uu maro dhul-baraha Adduunka.