Sarkaal katirsan Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa bannaanka soo dhigay macluumaad la xiriira n Ruushku uu ku jabay Dagaalka ka socda Magaalada Muhiimka ah ee Bakhmut, waxa uu tilmaamay in muddo 5 bil ah ay ku dhinteen ugu yaraan 20 kun oo askari kuna dhaawacmeen in ka badan 80 kun oo askari.
Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby ayaa warbaahinta u sheegay in Xukuumadda Moscow jab xooggan uu kasoo gaaray dagaalka ka socda Magaalada Bakhmut kaddib markii ay la kulmeen iska caabbin aanay fileyn.
“Waxa aan qiyaasaynaa in Ruushka uu la kulmay khasaare ka badan 100,000 oo ay ku jiraan in ka badan 20,000 oo la dilay, Isku daygii Ruushka ee e weerarka Donbass gaar ahaan Bakhmut waa uu fashilmay” ayuu yiri John Kirby.
Mareykanka ayaa buuq iyo colaadin la daba-taagan Ruushka tan iyo markii uu billowday dagaalka Moscow ay ku qaadday Ukraine 24kii Febaraayo 2022, kahor inta uusan Ruushku ku duullin Ukraine waxa uu Mareykanka ku goodin jiray in uu ka difaacayo.
Washington ayaa hub iyo agab ciidan siisay dhiggeeda Ukraine balse waxa ay u diiday diyaaradaha Casriga ah si ay Kyiv ugu adeegsato in ay ku beegsato saldhigyada Ciidamada Raashiyaanka ah ay ku leeyihiin dhulka ay qabsadeen.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa horay dhowr jeer u sheegay in waddamo badan oo garab istaag u ballanqaaday Ukraine in ay kusoo koobmeen afka in ay ka sheegaan wax weliba oo uu usoo qabto balse aanay waxba ka jirin.