Mareykanka oo sheegay inay Hogaamiye Sare oo Al-shabaab ah ay Shabeelaha Hoose ku dileen

0

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dileen hogaamiye sare oo ka tirsan xarakada Al-shabaab kadib dagaal toos ah iy duqeyn deegaano Al-shabaab ay maamulaan ay ku qaadeen .

War kooban oo kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee howlgalka Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in Weerarkii dhowaan ciidamada Mareykanka oo ay wehlinayeen ciidamo Soomaali ah ay ku dileen Hogaamiye Shabaab ahaan oo Shabeelaha Hoose Awood badan lu lahaa.

Qoraalka AFRICOM waxaa lagu sheegay in sarkaalka ay dileen lagu Magacaabo Macalin Cisman Cabdi,Baadil , oo la sheegay inuu ahaa Taliyihii Ciidamada Al-shabaab ee Shabeelaha hoose.

Taliska ciidamada Marekanku waxay sheegeen in howlgalkaas ay fuliyeed ciidamo gaar ah oo Mareykan iyo Soomaali isugu jira sidoo kalana Taliye Baadil markii ay dilaneeyeen ay wehliyeen Seddex ka mid a ilaaladiisa kuwaasoo iyaguna ay sheegeen in la dilay .

Mareykanku waxay xaqiijiyeen in weerarkaas looga dilay Askari Mareykan ah labo kalana lagu dhaawacay hayeshee waxay sheegeen in bartilmamaydka weerarkaas inay ku guuleysteen .

Ciidamo isugu jira Soomaaliya ayaa duqeyn iyo dagaal toos ah waxay ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose , waxaana halkaas ku dhex maray dagaal cusul uu sababay dhimashada Askari Mareykan ah iyo dhaawaca labo kale sida Mareykanku ay qirteen hayeeshee Al-shabaab ayaa dhankooda guul ka sheegtay weerarkaas.

xogdoonnews:

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gamil.com