Mareykanka oo si adag uga hadlay dhaq dhaqaaqyada DF ee gobolka Gedo

0
NEAR JIJIGA, EASTERN OGADENIA, ETHIOPIA - OCTOBER 8TH: A column of ONLF rebels are leaving the hill where a week long stand off with ethiopian troops finally ended, October 8th 2006, in Ethiopia. The two rebels are carrying the most important idem of the unit, a light machine gun and its ammo. (Photo by Jonathan Alpeyrie/Getty images)

Madaxa arrimaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, Rodney Hunter ayaa isagoo khudbad ka jeedinayey kulanka golahaasi, wuxuu ka hadlay xaaladda Soomaaliya.

Mr. Hunter ayaa ugu horreyn ka hadlay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ay dowladda federaalka ka wado gobolka Gedo ee K/Soomaaliya, wuxuuna sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid aan la aqbali karin oo weecineyso dhaqaaliihii loogu talagalay amniga.

“Ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya ee sida siyaasadeysan loogu daad gureeyey, looguna dagaal galiyey gobolka Gedo ma ahan mid la aqbali karo, waxayna taasi weecineysaa dhaqaalihii lagu heshiisyey ee loogu talagalay howlgallada amniga”. ayuu yiri madaxa arrimaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan golaha ammaanka.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) in uu soo afjaro dhaq dhaqaaqyada ciidamada dowladda ay ka wadaan degmooyinka gobolka Gedo, islamarkaana khilaafka kala dhexeeya madaxweynaha Jubbaland uu ku dhameeyo wadahadal iyo deganaan.

Ugu dambeyn Rodney Hunte ayaa carabka ku dhuftay in sanadkaan 2020-KA Soomaaliya uu u yahay mid adag, islamarkaana laga rabo inay wax ka qabato barnaamijka deyn cafinta, u diyaar garowga doorashooyinka soo socda iyo inay AMISOM kala wareegto amniga