Masar iyo Soomaaliya oo Qaahira ku kala saxiixday heshiisyo ku saabsan waxbarashada, iskaashiga dhaqanka iyo warbaahinta

0

Wasiirka tacliinta sare ee dowladda Masar Ayman Ashour iyo dhiggiisa Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa magaalada Qaahira ku kala saxiixday is-afgarad ku saabsan barnaamijka iskaashiga tacliinta sare ee 2023 ilaa 2026.

Is-afgaradka ayaa ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha waxbarashada sare ee Masar iyo Soomaaliya iyo in la is dhaafsado wufuud waxbarasho, sida lagu sheegay war-murtiyeed lasoo saaray.

Sida war-murtiyeedka lagu sheegay, Masar ayaa 450 deeq waxbarasho ah sanad walba siin doonta ardayda Soomaaliyeed, ayuu wasiirku xusay.

Wuxuu intaas ku daray in sida uu dhigayo heshiiska is-afgaradka ah ee labada dal ay dhisi doonaan kooxo cilmi-baaris ah.

Intaa waxaa dheer, Masar waxay diyaar u tahay inay Soomaaliya siiso khubaro iyo dhakhaatiir dib u habeyn ku sameeya Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo kuliyaddeeda caafimaadka.

Wasiirka dhaqanka ee Masar Nevine Al-Kilani iyo dhiggeeda Soomaaliya, Daud Aweis Jama, ayaa iyaga kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan  iskaashiga dhaqanka.

Sida ku cad heshiiska is-afgaradka ah, labada dhinac waxay qaban doonaan bandhig faneedyo lagu soo bandhigo fanka wanaagsan iyo farshaxanka dhaqanka iyo xafladaha waxayna qabanqaabin doonaan booqashooyin loogu talagalay fannaaniinta dhinacyada masraxa, muusigga, iyo suugaanta.

Intaa waxaa dheer, Masar iyo Soomaaliya waxay kor u qaadi doonaan iskaashiga shaneemooyinka iyagoo isweydaarsan doona filimaan iyo booqashooyin ay booqdaan kuwa ka shaqeeya arrimaha shaleemada.

Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu soo dhaweynayaa in ay ka qeybgasho bandhigga buugaagta ee sanad walba lagu qabto Masar, ayuu yiri Al-Kilani.

Waxaa intaas lagu daray in labada dhinac ay ku heshiiyeen in la qabto toddobaadyo dhaqameed, isla markaana suugaanta Soomaaliga loo beddelo suugaanta Carabiga, halka suugaanta Carabigana loo beddelo suugaan af-soomaali ah.

Is-afgarad kale ayaa waxaa wada saxiixday Wasaaradda Awqaafta Diinta ee Masar iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya.

Is-afgaradka, oo socon doona illaa 2026-ka, ayaa ugu horreyn ujeeddadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhexeeya wasaaradaha labada dal ee dhinacyada dhaqanka iyo diinta.

Sida ku cad heshiiska is-afgaradka ah, labada dhinac ayaa is dhaafsan doona casuumadaha si ay uga qeybgalaan tartamada caalamiga ah ee Qur’aanka Kariimka. Dhinaca Masar waxa ay sidoo kale siin doontaa dhinaca Soomaaliya qoraalada Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka.

Wasaaradda Masar ayaa sidoo kale deeqo waxbarasho u fidin doonta tiro arday Soomaaliyeed ah iyadoo la raacayo shuruudaha gelitaanka Al-Azhar. Imaamyada iyo daaciyiinta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale tababar ku qaadan doona Akadeemiyada Awqaafta Caalamiga ah.