Mas’uul Diyaarada B/weyne Aaday La Socday Oo Halis Ay Galeen Shaaciyey

0

Maanta waxaa intiina badan la socotaan inay Diyaarad aaday beled weyne muddo la xanibay oo ay Markii Beled weyne tegtayna loo diiday inay ka degto.
Xubnaha Wafdiga Diyaaradaasi la socday waxaa hogaaminayey Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaan C/rashiid Jinde oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya,wafdigaasina qeyb ka ahaa ayaa ka sheekeeyey Halista ay galeen maanta markii Hawada dhowr jeer lagu xanibay.

Waxa uu Xildhibaanka sheegay in diyaarada ay ka degi weysay Beled weyne oo ay hadda dalbanayaan in Baaritaan dhab ah lagu sameeyo wixii Halista Naftooda loo geliyey maanta markii ay ka baxayeen Muqdisho ilaa B/weyne laga hor istaagay.