Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Garasbaaley oo ku dhintay Qarax wadada loo dhigay.

0

Sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Deegaanka Garaslaabey ee Duleedka Muqdisho, qarax la sheegay in uu ahaa miino wadada la dhigay ayaa ku qaraxday Gaari ay la socdeen mas’uuliyiin katirsan maamulka deegaankaas.

Inta la xaqiijiyay 4-ruux oo kala ah: Guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka Garasbaaleey Cali Maxamed Macalin, Guddoomiyaha dhalinyada Cabdirashiid Dubbad & labo kamid ah ilaalada maamulka ayaa dhintay, halka dhaawac kale uu soo gaaray dad kale.

Qaraxa ayaa haleelay in gaariga ay la socdeen mas’uuliyiintaan katirsan maamulka Garasbaaley, waxaana goobta tagay Ciidamada amamanka Dowladda federaalka oo xiray jidka, halka goobaha caafimaadka loo qaaday dadka dhaawacyadu gaareen.

Dhowr jeer wadada xiriira Muqdisho & Afgooye waxaa ka dhacay qaraxyo dhimasho & dhaawac kasoo gaaray Mas’uuliyiin, Saraakiil, Ciidamo & dad shacab ah, waxaana mas’uuliyadda dusha saarta Al-Shabaab oo marar kala duwan sheegatay qaraxyada jidkaas ka dhacay.

Cabdirashiid Dubad AUN kahor inta uusan noqon Guddoomiyaha Dhalinyarada Deegaanka Garasbaaley waxa uu ka shaqeeyay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho oo kamid ah Warbaahinta Madaxa Bannaan, waxaana uu door firfircoon ku lahaa dhalinyarada Caasimadda & kuwa Deegaankaa Garasbaaley.