Maxaa loo dilay Caaisha Ilyaas Aadan? W/Q: Ahmed Sudani.

0

Haweenku waxaa ay nolosha aadanaha ka yihiin laf-dhabar weyn oo ay ku tirsantahay, iyadoo aan ogsoonahay sida uu alle (SWT) uu ugu tilmaamay qur’aankiisa, Nabigeenanna (NNKH) uu uga dardaarmay marar badan oon la soo koobi Karin xaquuqda ay leeyihiin haweenka oo ay siisay diinteenna islaamka, ayadoo ay sii dheertahay xaquuqaha gaar ah ee wadan walba oo caalamka ku yaal uu siiyo dumarkiisa.

Soomaaliya waa dal muslim ah dadkiisuna ay yihiim muslimiin sunni ah, waxaana ay haweenka yihiin laf dhabarta bulshadda, iyagoo ka qeyb qaata nolosha qoyska, tan dadka kale iyo waajibaadka guud ee ka saaran dalka, tiiyoo ay sii dheertahay shaqooyinkooda gaarka ah. Hasayeeshee waxaa ay la kulmaan xad-gudubyo ka dhan ah diinteena suuban ee islaamka iyo tan xaquuqda aadanaha.

Dhibaatooyinka loo geysto haweenka soomaaliyeed ayaa soo kordhay, waxaana xad-gudubyadda ugu badan ee ay la kulmaan dumarka soomaaliyeed ka mid ah, Kufsiga, dhaca, dilalka iyo waxyaabo kale oo lagula kaco haweenka haba ugu darnaadeen xad-gudubyada kufsiga.

Kumanaan ka mid ah dumarka soomaaliyeed ayaa la kulma xad-gudubyada jinsiga ee loo geysto, iyagoo xitta mararka qaar ay naftooda ku waayaa, sida ku dhacday Caaisha Ilyaas Aadan iyo dumar kale oo soomaaliyeed.

Hasayeeshee sheekada Caaisha waa mid ka duwan kana murugo badan dhacddoyinka kusiga ah ee ay la kulmaan haweenka soomaaliyeed.

Caaisha Ilyaas Aadan, waxay ka mid aheyd ilmaha qoys leh sideen caruur ah da’deedu waxay aheyd 12 sanno jir, waxayna dhiganeysay fasalka lixaad ee dugsiga hoose Iskuul ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Caaisha waxay aheyd gabar da’yar, qurux badan ubax iyo mustqbal ifaya, hasayeeshee waxaa mustaqbalkeeda soo afjaray dhagar-qabayaal aan tiradooda la shaacin, kuwaasi oo kufsaday kadiba dilay Caaisha.

Qoyskeeda ayaa waayay Caaisha, kadib markii maalintii axadda aheyd ay adeeg uga dirsadeen suuq hilika lagu iibiyo oon ka fogeyn gurigooda, saacaddo orod iyo baadi-goob ah waxaa dhacay gabalkii, habeenkii oo dhan hurdo maladin qoyska Caaisha waxayna u heyd murugo qof kasta oo qoyska ka tirsan gaar ahaan hooyada dhashay oo aan habeenkaasi ladin hurdo is kabadaaye aan xittaa wax cunin, ‘alla nugulaa beer wax dhalay’.

Murugaddu way badan tahay rajaduna waa ay yartahay, waagii ayaa baryay dadkii dariska ahaa ayaa ka soo wardoonay reerka Caaisha bal in la helay gabadhii iyo inkale. balse waxaaba la arkay meydkeeda oo ay ka muuqdaan dhabarro arxan daran oo la soo dhigay gurigeeda meel u dhaw.

Layaab iyo amakaag ayay ku noqotay dadkii oo dhan, iskabadaa qoyskeeda waxaa ka xumaaday qof kasta oo leh damiir soomaalinimo, waxaana la geeyay isbitaalka si loo baaro meydka gabadha, way u muuqatay qof kasta oo arkay in gabadhaan yar loo geystay dhibaato culus, dhaqaatiiruna waxaa ay sheegeen in la kufsaday gabadha yar kadibna si arxan daran loo dilay, ‘Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun’.

Kuma cusba Soomaalida dhexdeeda kufsiga laakin arrinta layaabka leh ayaa noqotay dilka iyo kufsiga loo gaystay gabdhaan da’da yar, taasi oo ka yaabisay qof kasta oo ka danqanaya dhibaatada lagu hayo haweenka soomaaliyeed.

Majirto cid loo soo qabtay mas’uuliyadda dhibka loo geystay Caaisha, hasayeeshee laamaha amaanka Magaaladda Gaalkacyo ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan dadkii ka danbeeyay falkaan foosha xun ee loo geystay gabdhaan soomaaliyeed.

Kumanaan soomaali ah oo ka xumaaday dhacdadaan ayaa ka falceliyay falka foosha xun ee loo geystay Caaisha, iyagoo baraha bulshada soo bandhigay sawiiradeeda oo ay ku qoranyihiin, ‘ Caaisho Caddaalad bey Rabtaa’. Hasayeeshee waxaan la ogeyn sida ay Caaisha iyo gabdhaha kale ee la mid ah ay caddaalad u heli doonaan.

Qoysas iyo gabdho badan oo soomaaliyeed oo dhibanayaal u noqoday dhacdooyinkaan iyo kuwa kale oo la mid ah ayaan wali helin caddaalad, waxaana ka mid ah sababha ugu badan ee ay caddaaladda ku wayaan, Tabar yarida dumarka, baxsashada danbiilayaasha oo aysan jiran cid xil iska saarta, hanjabaado ay la kulmaan, la’aanta maxkamaddo si gooniya u dhageysta kiisaskooda, iyo cabsi ay ka qabaan bulshada, ayadoo qaarkood kiisaskooda lagu xaliyo hab dhaqameed ay soomaalidu isticmaasho, kaasi oo meesha ka saara ciqaata danbiilayaasha.

Xad-gudubya badan ayaa loogaystaa dumarka Soomaaliyeed haba ugu darnaado kufsigee, waxaana sababaha ugu badan ee loo tiiriiyo dhibaatooyinka kusiga ka mida, Colaadaha, nuglaanta dumarka, wacyi-galin la’aanta bulshada iyo kuwa kale.

Dumarka la kulma tacadiyadda kufsiga waxaa soo foodsaara dhaibaatooyin badan, haba ugu darnaadeen xanuunada iyo cudurada ay kaqaadaan kufsiga taasi oo raad ku reebta noloshooda, waxaana intaa sii dheer dhibaatooyinka jir ahaaneed, midda maskaxiyan soogaarta, mustaqbalkooda oo mugdi gala iyo bulshada qaar oo ay takoor kala kulmaan.

Qoys iyo qofba waxaan wada ogsoonahay kaalinta ay dumarku naga mudanyihiin, hooyo, marwo iyo gabar nuucey doonto ha ahaatee, waxaan kaloo ogsoonahay in dhaqanka soomaaliyeed ay meel wacan uga jiraan, Fadlan ilaali xaquuqda dumarka’.

Qoraalkaan waxaan u hibeeyay Caaisha Ilyaas Aadan, waxaana reerkeeda uga tacsiyeynayaa geerida gabadhooda waxaana lee yahay dhamaanteen ‘samir iyo iimaan allaha naga siiyo’.