Maxaa u qabsoomay MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud muddadii uu ku maqnaa Mareykanka?

0

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu ka qaybgalay meertada 77aad ee Shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay New York.

Madaxweyne Xasan ayaa kahor shirka inta uusan furmin waxa uu la kulmay mas’uuliyiin kala derajo duwan oo u kala dhashay Mareykanka & waddamada kale ee xubnaha ka ah Golaha Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka, kan Arrimaha Dibadda dalkaas, Madaxweynaha 46aad ee Mareyanka Joe Biden, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington & mas’uuliyiin kale ayuu kala hadlay xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya iyo xaaladda Dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixin guud dalka ka siiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington & Gobollada kale ee u dhaw kaddib markii kulan gaar ah uu la qaatay.

Sidoo kale waxa uu ka qaybgalay Kulan looga hadlay ammaanka Dalka oo su’aalo lagu weydiinayay si uu warbixin guud uu uga bixiyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobollada Dalka.

Qoraal lagu daabacay barta Villa Somalia oo lagu faah-faahiyay safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xoogga saaray.

In Dunida uu tusiyay howlgallada ay iska kaashanayaan Ciidamada Federaalka & Shacabka ee ka socda Gobollada Dalka, la xoojiyo gurmadka Dadka abaartu saameynta taban ku reebtay, Mareykanka oo uu kala hadlay qorshaha cusub ee howlgallada & Bangiga Adduunka oo ay kawada hadleen mashaariicda horumarineed.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku maqnaa Mareykanka waxa uu ka qaybgalay aaska loo sameeyay boqorradii Ingiriiska ee Queen Elizabeth II, isaga oo la kulmay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Britain.