Maxaad kala socotaa hagar-daamooyinka ku qarsoonaa qaraarkii laga diiday Kenya

0

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliyeed, Axmed Cali Daahir ayaa waxa uu ka hadlay qaraarkii ay Kenya u gudbisay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, kuwaasi oo aakhiritaanka diiday.

Isaga oo la hadlayey warbaahinta ku hadasha afka dowladda, Daahir oo soo dhaweeyay mowqifka UN-ka ayaa xusay in qaraarkaasi uu khatar ku ahaa shacabka ku nool degaanada ay haysato Al-Shabaab.

Axmed oo sharaxaya hagar-daamooyinka Kenya ugu qarsoonaa qaraarkaasi ayaa waxa uu ku nuux-nuux saday in ay kamid tahay in shacabka iyo AlShabaab ay isku mid noqon doonan marka dagaal lagu jiro.

Waxa uusan meesha ka saarin in uu xiriir la lahaa qaraarkan in ay Kenya dooneysay in ay qiil u yeesho tacadiyadda ay shacabka ugu geysato qaar kamid ah gobolada waddanka gaar ahaan Jubooyinka.