Maxaad kala socotaa Sababta dadka Reer Hiiraan u diideen in laga qaado Ciidamada?

0

Weli waxaa ka taagan Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Xiisad ka dhalatay Ciidamo ka tirsan booliska Hir-Shabeelle oo Dowladda Federaalka ay amrtay in loo qaado Magalada Dhuusamareeb,hayeeshee ay diideen Odayaasha & Waxgaradka Magalada Baladweyne.

Saraakiil ka socota Taliska qeybta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hataan ku sugan Magalada Baladweyne,kuwaas oo ku guuleysan waayay inay ciidamadaas u daabulaan Magalada Dhuusamareeb.

Ugaas Xasan Ugaas khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ah duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weli gobolka Hiiraan ka jirto baahi Ciidan,isla markaana aysan raali ka noqoneyn in Ciidamo laga qaado.

Waxaa uu sheegay in Carruur Macawuusyo wata oo Gobolka Hiiraan degmooyinkiisa laga soo aruuriyay ay yihiin kuwa la doonayay in la qaado,balse iyagu aysan arkin Ciidamo,waxana Madaxda dowladda uu ka dalbaday in Magalada Baladweyne laga saaro Ciidamo dhawaan ka yimid Magalada Dhuusamareeb.