Maxaad kala socotaa sababta Farmaajo iyo Khayre uga baaqdeen Baroordiiqda Musiibadii Soobe

0

Madaxda Dalka ayaa waxaa la sheegay in ay maanta ka baaqdeen Baroordiiqda Loo sameenayey dadkii lagu laayey Maanta oo kale Isgoyska Soobe Muqdisho.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxay ku ballansanaayeen inay tegaan Goobta Musiibada ka dhacday balse daqiiqadihii ugu dambeeyey ayey isbadel yimaadeen.

Laamaha Amniga ayaa waxay soo jeediyeen inay Madaxda Halkaasi tegin oo ay sidaasna uga baaqdeen,lamana sheegin waxyaabaha dhabta ah ee baajintaas ka dambeysay.
Waxaa loo maleenayaa in Xog sirdoon la helay in weerar kale dhici karo sidaas awgeedna Madaxda aysan uhorseedin gumaad kale xilli kuwii hore laga sabri la’yahay weli.

Labo gaari oo sawirada Madxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre ku dhegan yihiin ayaana la geeyey isgoyska Soobe,si magac ahaan Sawirkooda dadka u arkaan.
Sawirada lagu dhejiyey Baabuurta Ee Madaxda waxay ahaayeen markii laga qaaday Dhiig shubkoodii Musiibadii Soobe,waxaana Duqii Muqdisho Thabit Cabdi oo Shaqo Badan ku bixiyey Gurmadka Dadkii dhibka gaaray aan la xusin.