Maxaad kala socotaa sida lagu joojiyay Dagaalkii Duleedka Kismaayo?

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ayaa ku guuleystay in ay joojiyaan dagaal u dhaxeeyay labo beelood, kaasoo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay duleedka Magaalada Kismayo.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in ay ku guuleysteen in ay hubka ka dhiggaan Kooxihii dagaallamayay, islamarkaana ay aqbalaan wadahadal.

Beelaha ayaa ku dagaallamayay dhul ku yaalla Galbeed Magaalada Kismaayo oo la sheegay in laga qodi doono ceelbiyood Magaalada Kismaayo Biyaha laga siiyo.

Ku dhawaad 50 qof ayaa ku dhimatay dagaalladii maalmihii lasoo dhaafay ka socday duleedka Magaalada Kismaayo sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhawaan walaac ka muujiyay dagaalka duleedka Magaalada Kismaayo, waxaana uu ku tilmaamay mid qatar ku ah Ammaanka Jubbaland.