Maxaadan Ogeyn oo ay ku mashquulsan yihiin maamullada Puntland iyo Galmudug?

0

Waxaa xalay dabley aad u hubeysani weerar aan la fileyn ku qaadeen deegaanka Balibusle oo ka tirsan Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug. Diryanka rasaasta iyo madaafiicda ayaa halkaasi laga maqlayey, waxaana dadku ay sheegayaan in ciidammo ka socda galmudug ay weerarkaasi geysteen.

Inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku dhimatay 2 kalana dhaawac ayaa soo gaadhay kuwaas oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ay dableydan ay saqdii dhexe galeen gudaha Magaalada oo ay isku dayeen in ay dab-qabadsiiyaan goobaha adeegga dadweynaha, balse laga hortagay.

Madaxda Puntland waxaa ay sheegeen in goor dhow ay war ka soo saari doonaan iyagoo carabka ku dhiftay in halkaasi dad aan waxba galabsan lagu diley.