Maxamed Hanad Cabdi oo ah Soomaali lagu xukumay 142 sano oo racfaan ka qaatay xukunkaas lagu riday.

0
Mohamad Hanad Abdi from Somalia arrives at a court in Mytilene, on the northeastern Aegean island of Lesbos, Greece, Monday, Jan. 9, 2023. The Somali migrant serving life in prison for people smuggling appeared in court Monday to appeal his sentence, in a case backed by a group of European Parliament members who say he was wrongfully convicted. Mohamad Hanad Abdi was sentenced to 142 years in prison in 2021, convicted following a deadly crossing in a dinghy from Turkey to the nearby Greek island of Lesbos the previous year. (AP Photo/Panagiotis Balaskas)

Maxamed Hanad Cabdi oo ah Nin Soomaali ah oo sanadkii 2021kii maxkamad ku taalla Giriigga ay ku xukuntay 142 sano oo xabsi ah ayaa maanta qaatay rafcaan uu ku doonayo in lagu laalo kiiska lagu eedeeyay oo ah in uu ka shaqeynayay tahriibinta soogalooti isaga kala gudbay Turkiga & Jasiiradda Lesbos Giriigga hoostagta.

Maxamed waxa uu garab ka helayaa Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Midowga Yurub oo u dhashay Giriigga iyaga oo doonaya in guud ahaan meesha laga saaro xukunka lagu dul dhigay maadaama sanadahaas ay u dhigmaan Xabsi daain (Madaxaa haku furto).

Stelios Kouloglou oo ah xubin katirsanaa Baarlamanka Midowga Yurub ahna mas’uul katirsan Xisbiga Bidixda ee Dalka Giriigga oo hoggaaminaya ololaha lagu qaadayo xukunka dheer ee Maxamed Hanad Cabdi ayaa sheegay in la joogo waqtigii la baabi’in lahaa kiiskaan.

Maxamed waxa uu dhiiragelin ka helay labo Muwaadin oo u dhalatay Dalka Afgaanistaan oo lagu kala magacaabo Akif Razouli & Amir Zahiri oo horay loogu xukumay 50 sano oo xabsi ah balse markii dambe rafcaan ka qaatay lagu soo koobay 8 sano.

Maxkamadda xukunka ku ridday Maxamed Hanad Cabdi ayaa soo xigatay qaar kamid ah Dad la badbaadiyay oo ku martiqaati furay in uu mas’uul ka ahaa doon uu la socday Nin Turki Muqalas ah, labo kamid ah Dadkaas ayaa badda ku dhacay halka la badbaadiyay 33 kale.

Qareenka Maxamed ayaa ku dooday in uusan kiiskaas waxba ku lug lahayn loona baahan yahay in lasii daayo lagana qaado xukunka dheer ee gaaraya 142da sano ee ka dhigan Xabsi daa’in (Madaxaa haku furto).

Mas’uul katirsan Dowladda Giriigga ayaa sheegay in tallaabadaan ay qayb ka tahay soo afjaridda dadka ku shaqeysta tahriibka halista badan wata ee sababa in ay geeriyoodaan qaar kamid ah Soogalootiga raba in ay isaga kala gudbaan waddamada Yurub.

Biyaha u dhaxeeya Turkiga & Giriigga ayaa sababay geerida Dad badan oo u kala dhashay waddamo kala duwan, si ay u tagaan Waddamada ay u arkaan in ay ku heli karaan nolol uga wanaagsan midda ay ku heystaan Dalalkooda.