Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Mareykanka

0

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqasho gaaban ku tagay Boosaaso.

Kulankan ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha Boosaaso, halkaasoo ammaankiisa si aad ah loo adkeeyay.

Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay Saraakiil ka tirsan Milateriga Mareykanka.

Madaxweyne Deni iyo Donald Yamamoto ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka midyihiin xiriirka Mareykanka iyo Puntland, la dagaalanka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha iyo deyn cafinta Soomaaliya.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan, waxaana Madaxweynaha Puntland uu u gudbiyay Safiirka Mareykanka cabasho ay ka qabaan sharciyo aan lagala tashan Puntland oo ay ansixiyeen Baarlamaanka iyo qaabka dowladda Federaalka kula dhaqmeyso maamul goboleedyada.

Waa socdaalkii labaad oo Safiirka Mareykanka ku tago Boosaaso, iyadoo sanadkii hore sidan uu booqasho gaaban ugu tagay.