Maxay kawada hadlayaan Madaxweynaha Soomaaliya & Dhiggiisa Imaaraatka Carabta?

0

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa maanta la kulmay dhiggiisa Sheekh Maxamed Bin Saayid iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Imaaradaha uu ka kooban yahay Dalkaas.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday Abu Dhabi ayaa maanta billaabaya kulmada rasmiga ah ee uu la qaadanayo Madaxda Isutagga Imaaraatka Carabta sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhaw socdaalkiisa.

Waxyaabaha ay kawada hadlayaan waxaa kamid ah: “Xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, Ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan” sida lagu yiri qoraal Villa Somalia kasoo saartay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta ayaa gaaray meeshii ugu hooseysay muddo sharciyeedkii Madaxweynihii 9aad ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taa baddelkeed waxa ay ku xirteen Dowladda Qadar.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kahor inta uusan ku guuleysan xilka dalka ugu sarreeyo oo doorashadiisa la qabtay 15ka May 2022 waxa uu ku ololeeyay “Soomaali Heshiis ah, Dunidana heshiis la ah”.

Waxa uu sheegay in uu fulinayo ballanqaadkaas uu ololaha ka dhigtay si uu wax uga baddelo xiriirka xumaaday muddadii u dhaxeysay labada Muddo xileed ee uu kala noqday Madaxweynihii 8aad iyo hadda oo uu yahay madaxweynaha 10aad JFS.