Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor & Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho, waxaana ay kawada hadleen khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday & RW Rooble.
Kulanka ayaa ka dhacay Hoyga Axmed Qoor-Qoor uu ka degen yahay Magaalada Muqdisho, Fahad & xubno la socday ayaa Madaxweynaha Galmudug kala hadlay Khilaafka & go’aanka uu Dowlad-Goboleedkaas ku shaaciyay in wadahadalkii socday lagu kala tagay.
Ilo xog ogaal ah ayaa Mustaqbal u sheegay in kulankaas ay qayb ka ahaayeen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere, Wasiirka Boostada Galmudug Aadan Qoryooley & xubno kale.
Natiijo muuqata lagama gaarin kulankaan, qorshaha ayaa ah in Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor uu dib u bilaabo wadahadalka fashilmay si loo muujiyo in dedaallo xooggan ay socdaan.
Wasiirka Warfaafinta DG Galmudug ayaa 24-kii September 2021 waxa uu sheegay in wadahadalka lagu dhexdhexaadinayay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble lagu kala tagay kaddib markii laga gudbi waayay shuruudaha labada dhinac.