Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ku sugan Netherland waxa uu la kulmay Joan E. Donoghue, Madaxweynaha Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee loosoo gaabiyo ICJ.
Xarunta Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee Magaalada The Hague oo ay ku kulmeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Aadan Madoobe & Madaxweynaha Maxkamaddaas oo ay kawada hadleen sidii Soomaaliya looga faaiideyn lahaa shaqada Garsoorka.
Madaxweynaha Maxkamadda ICJ ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS la wadaagtay xogta kiiska Dacwadda Badda ee Soomaaliya uga adkaatay Kenya, qaabka ay u shaqeyso Maxkamadda & Taariikhdeeda.
“Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa waxaa xarunta Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ, ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Maxkamadda Marwo Joan E. Donoghue. Iyadoo la qaadatay kulan isbarasho iyo is xogwareysi ku aaddan sidii Soomaaliya loogu faaideyn lahaa shaqada garsoorka, sidoo kale Gudoomiyaha ayaa warbixin laga siiyey kiiskii badda Soomaaliya iyo Kenya oo Baarlamaanka KMG ah diideen xiligii uu gudoomiyaha ahaa iyo qaabka ay u shaqeyso maxkamadda iyo taariikhdeeda” ayaa lagu yiri qoraalka laga soosaaray kulanka.
Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ waxaa la aasaasay 26kii June 1945tii, Soomaaliya ayaa kamid ah waddamada xubnaha ka ah, Maxkamadda Adduunka waa Hay’ad hoostagta Qaramada Midoobay oo loo gooni yeelay in ay dhammeyso murranada dalalka xubnaha ka ah Golahaas.