Maxkamadda ciidamada oo heshay laba qof oo xog ka haya kiiska Ikraan iyo madaxda NISA oo loo yeerayo

0

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay billowdo baaritaanka kiiska dacwadda Ikraan Tahiliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta Hey’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA.

Xeer ilaalinta ayaa isku duba riday kiiska dacwadda Ikraan Tahliil, iyadoo xog la helay ay sheegeyso in xeer ilaalinta ay heshay illaa laba qof oo ka tirsan hey’adda NISA oo caddeynaya sida uu u dhacay kiiska Ikraan Tahliil.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Col. Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socdo Maxkamadda uga yeerayo eedeynayaasha kiiska Ikraan Tahliil ee kala ah:

1- Agaasimaha xilka laga qaaday ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
2- Agaasimaha uu Farmaajo magacaabay Yaasiin Farey
3- Madaxii hore ee Shaqaalaha NISA Cabdullaahi Kulane Jiis
4- Cabdiqani Diirane oo loo yaqan Wadna-qabad oo ka tirsan NISA

Haddii uu guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Co. Shuure ku dhawaaqo u yeeritaanka madaxda hey’adda NISA, waxaa laga yaabaa inuu cirka isku sii shareero khilaafka madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo uu hadda u socdo kulan lagu dhex-dhexaadinayo.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare

Farmaajo ayaa doonayo in kiiska Ikraan Tahliil aan la baarin oo halkaas lagu damiyo, qoyskeedana diyo la siiyo. Ma cadda sababta Farmaajo uu caddaalad ugu diidan yahay gabadhaas yar ee la dulmay, balse waxaa jira tuhun ah in kiiska uu dhallin karo fadeexad weyn, oo isaga taaban karta.