MD Farmaajo oo Beesha caalamka ka dalbaday in Dowladiisa la badbaadiyo

0

Ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kulan qarsoodi ah oo Albaabada u xiran yihiin la qaatay Masuul ka socda Urur goboleedka IGAD.

Kulanka ayaa ujeedadiisu aheyd sidii Beesha Caalamka u soo fara galin laheyd xiisada adag oo ay ku jirto dowlada Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Masuulka IGAD ka dalbaday inuu Beesha caalamka u gudbiyo codsiyo ku aadan sidii ay wax kaga qaban lahaayeen kacdoonka xildhibaanada hor boodaan ee dowladiisa lagu fashilinayo.

Masuulka IGAD ayaa u balanqaaday Madaxweyne Farmaajo, in Urur Goboleedka IGAD iyo Beesha Caalamka ay iska kaashan doonaan sidii xal wara loogu heli karaa arinta Qalbi dhagax oo gilgishay guud ahaan dalka, wuxuuna u sheegay in Xildhibaanada arinta ku cadaadinaya dowlada Federaalka ay kulamo la qaadan doonaan guddi Muqdisho soo gaari doona oo ka socda IGAD.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo lagu waday inuu ka qeyb galo Shirka Qaramada ayaa bedelkiisa diraya Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, wuxuuna doonayaa Madaxweynaha inuu si hoose u xaliyo arinta Qalni dhagax oo dowladiisa ay ku fashilantay.