Midowga Musharraxiinta oo soo dhoweeyay jadwalka dhammaystirka doorashooyinka uu soo saaray Guddiga FEIT.

0

Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay jadwalka dhammaystirka doorashooyinka ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) 15 Maarso 2022.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Midowga musharaxiinta ayaa lagu yiri sida tan:-

  • Goluhu, wuxuu caddaynayaa, in dibudhac iyo daah sanad ka badan ee doorashooyinka dalka ay sababtay firaaq dastuuri ah iyo halis ku timaadda sharciyada iyo jiritaanka hay’adaha dastuuriga ah.
  • Goluhu wuxuu adkaynayaa in la dhowro qodobka 66-aad ee dastuurka, lana raaco soo-jireenkii doorashooyinka 2016/17 ee ku aadan masuuliyada GHDHF ee la xariira waqtiyeynta dhamaystirka hawlaha doorashooyinka.
  • Goluhu wuxuu caddaynayaa, in kaalinta Dawlad Gobolleedyada ay ku eg tahay fududeynta doorashooyinka ee deegannadooda. Wuxuuna Goluhu ugu baaqayaa in ay faraha kala baxaan hawlaha GHDHF.
  • Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed, Xukuumadda iyo beesha caalamka in ay gacan ku siiyaan GHDHF, meelna looga soo wada jeesto cid walba oo isku dayaysa carqaladaynta dhammaystirka hawlaha doorashada.

Warxaafadeedka ay soo saareyn Midowga Mushsraxiinta ayaa ku soo aadaya xilli dowlad gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay ka soo horjeesteyn Jadwalka uu soo saaray Guddiga Hirgalinta doorashooyinka heer federal FEIT.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa dib ugu dhacday waqtigii loo jaan gooyey oo ah 15 Maarso 2022 maadaama ay ku harsantahay doorashada Dowlad Gobaleedyada Puntland, Hirshabeelle iyo Jubbaland.