Mursal Oo Shacabka Soomaaliyeed Niyad Jabiyey

0

3 maalin ayey xildhibaannada golaha shacabka ka doodayeen amniga, in ka badan 30 Xildhibaan ayaa hadashay, waxba la isuma reeban!! Gebagabadii doodda halkii loo yeeri lahaa ra’isul wasaare Kheyre, wasaaradaha amniga ku shaqada leh iyo saraakiisha mas’uulka ka ah, oo dadka Soomaaliyeed ay sugayeen isla xisaatan iyo in dad shaqo waayaan, Mursal waxaa uu sheekada ku soo xiray guddiga amniga iyo difaaca ayaan warbixin ka rabnaa!!

Sheekada guddoomiye Mursal inay waqti lumis tahay, cabsina ku jirto waxaa kugu daliil ah, guddiyada uu leeyahay warbixin keenna, golaha shacabka ayeyba ka hor sheegeen inay horay ula kulmeen dhammaan saraakiisha hey’adaha amniga, waxbixinta iyo mar-marsiyahoodana ay ku qanci-waayeen!! Haddaba maxaa mar kale loo celin?!

Nidaamka dowladnimada, gaar ahaan dalalka ku caan baxay “bureaucracy”, marka ay rabaan in arrin culus oo bulshada indhaha ku heyso ay damiyaan, soona afjaraan, waxaa ay arrintaas u saaraan guddi, guddigaas waxaa uu magacaabaa guddi hoosaad, guddi hoosaadkana, guddi arrinta ku taqasusey..ilaa xaqiiqdii ay dhexda ku lunto!! Dadkana ay sheekadii iloobaan. Mursal jidkaas ayuu qaadey!! Nabad iyo Nolol Waaxid!

W Q: Abdi Aziz Gurbiye