Dhibaatooyin dhanka Nolosha ah ayaa ka dhashay dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, ka sokoow dadka u dhashay dalkaas waxa uu si gaar ah u saameeyay Ajaanibta Afrikaanka ah.
Mustafa Maxamed oo ah Soomaali 10 sano ku noolaa Ukraine waxna ku bartay ayaa sheegay in dhibaatooyin dhanka cimilada qabowga ah ay la kulmeen inta uu ku guda jiray safarka uu ku gaaray Poland si uu nafsaddiisa ugala baxsado.
“Waxa aan gubnay dharkeena si aan diiramaad (Kuleel) uga helno, 10 Sano ayaa joogaa Ukraine oo aan wax ku bartay, Waligey ma maleyn xitaa dagaalkaan in aan la kulmi doono” Mustafa Maxamed oo ah Qaxooti Soomaali ah oo Ukraine ka barakacay oo ku sugan Poland xili uu la hadlay Aljazeera.
Waxa uu sheegay Mustafa in Soomaali badan ay joogeen Ukraine kuwaas oo intooda badan daraaseynayay “Caafimaadka” balse dagaalka billawday 24-Feb-2022 uu saameyn taban ku reebay is baddel xooggana uu ku yimid himilooyinkooda.
“Halkaan waxa aan ku joognaa Soomaali badan oo qaarkood dalka Hooyo ka yimid, qayb waddamada Galbeedka, Mareykanka, UK, Sweden & Finland ayay intooda badan ka yimaadeen si ay u daraaseeyaan Caafimaadka” ayuu yiri Mustafa Mxamed.
“Dagaalka kahor dhammaan waxa aan u xusul duubeynay himilooyinkeena balse markii xabbadda ay billaabatay waxaa kala carar uu ku dhacay dhammaan Dadkii wada joogay ee wada noolaa oo qofba meel door-biday si uu nafsaddiisa u badbaadsado” Sidaasi waxaa yiri Mustafa Maxamed oo la hadlay Aljazeera.