Muuse Biixi oo xilalka ka qaaday xubno ka mid ah maamulkiisa kuwa kala magacaabay.

0

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu xilka uga qaaday qaar ka mid gudoomiye-yaasha goboladda ay ka koobantahay Somaliland sidoo kale waxa  uu magacaabay masuuliyiin cusub.

Muuse ayaa magacaabay guddoomiyaasha gobolada Maroodi-jeex, Daad-madheedh, Sanaag, Hawd iyo Togdheer.

  1. Maxamed Cilmi Ahmed Maxamuud ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
  2. Maxamed Diiriye Xayd Nuur Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh.
  3. Maxamed Cilmi Xuseen Axmed  Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.
  4. Axmed Yaasiin Maxamed Faarax Guddoomiyaha Gobolka Hawd.
  5. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.
  6. Mukhtaar Cabdi Quule Maxamuud Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe.
  7. Siciid Shugri Xuseen Cali Guddoomiyaha Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone.
  8. Axmed Xaaji Daahir Cilmi Ducaale Xubin Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera.
  9. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Xubin Komishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland.

Halkaan ka aqri

No photo description available.No photo description available.