Muwaadiniin Looga Digay Socdaalka Kenya Iyo Xuduudka Somalia + Sababta

0

Dowladda Mareykanka ayaa Muwaadiniinteeda uga digtay inay socdaalo kala duwan oo aan muhiim aheyn ku tagaan dalka Kenya iyo Xuduudka ay Kenya la wadaagto Dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Mareykanka lana sii marsiiyay Safaaradda ay ku leeyihiin Magaalada Nairobi ayaa waxaa Digiin loogu diray Muwaadiniinta dalkaas, iyagoo loo sheegay inay siweyn uga fakiraan Socdaalka ay ku tagaan dalka Kenya.

Sababta loo soo saaray Digniinta ku socota Muwaadiniinta Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay tahay in Kenya ku sii kordhayaan kiisaska Cudurka halista ah ee COVID-19, Afduubka, falalka waxa loogu yeero Argagixisadda iyo Dembiyada.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in khataro dhinca amniga ah ay ka jiraan Xaafadaha Islii iyo Kibera ee Magaalada Nairobi iyo deegaano kale oo Amni-xumo ku sii kordhayso.

Website-ka CDC ayaa qoray in Xarumaha Maraykanka ugu qaabilsan Kontoroolka iyo Ka-hortaga Cuddurada (CDC) ay Heerka 3-aad gaarsiiyeen Digniinaha Socdaalka Caafimaadka ee Kenya, sababo la xiriira Khatarta Cuddurka halista ah ee COVID-19.

Ugu dambeyn Qunsulliyada Maraykanka ayaa tilmaamtay in Muwaadiniinta dalkaas looga baahan yahay in aad isaga hubiyaan socdaalka ay ku tegayaan deegaanadda ku teedsan Xuduudka ay Kenya la wadaagto dalka Soomaaliya, halkaas oo la xusay inay ka jirto khatar amni.