MW Axmed Madoobe: “Ma jiro qof reer Jubbaland oo aan wax u qabno”.

0

Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo ka hadlay xaaladda Gobolka Gedo ayaa sheegay in dib u heshiisiin laga billaabayo si xal loogu helo caqabadaha taagan dhowrkii sano lasoo dhaafay.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Maamulkiisa uu fasaxay kaalmada heer Dowlad-Goboleed iyo heer Federaal ee Gobolka Gedo maadaama is baddel uu ku yimid hoggaanka sare ee Dalka isla markaana Dowlad cusub dhalatay.

Jubbaland ayuu sheegay in aanay u baahneyn culeys siyaasadeed iyo is qabqabsi kale oo waqti ku dhuma, balse waxa keliya loo baahan yahay in diiradda la saaro ay tahay in xal loo helo, waxa uu carabka ku adkeeyay in aanay jiri doonin qof reer Jubbaland ah oo wax loo qabsado.

“Arrinta reer Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo oo culeysyo badan sanadihii lasoo dhaafay naga heysteen in xal loo helo, waxa aan u baahanahay jubbaland mid ah, ma jiro qof wax loo qabo, waxa aan billaabaneynaa in dib u heshiisiin la sameeyo” Ayuu yiri MW Axmed Madoobe.

Waxa uu sheegay in Maamul cusub loo sameynayo Gobolka Gedo haddii lagu gungaaro dhismaha Golaha Deegaanka lagu daadejinayo Doorasho Dadka ay ku dooranayaan maamulka wakiilka ka noqonaya.

Axmed Madoobe ayaa amray in si degdeg ah loo fasaxo mashaariicda heer Dowlad-Goboleed iyo heer Federaal si loo gaarsiiyo Dadka u baahan, fursadda muuqata ee is baddelka hoggaanka sare ee Dalka laga faaiideysto.

Ciidanka Gobolka Gedo uu geeyay maamulkii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu soo jeediyay Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Madoobe in loo adeegsado la dagaalanka Al-Shabaab si loogu xoojiyo dedaallada kala duwan ee socda.

“Waxa aan rabnaa in aan ka billawno Golaha deegaanka si looga gudbo hebel ayaa lasoo magacaabay, Dadka waxaa si toos ah u metalaya qofka ay doortaan, Waala tagi doonaa mas’uuliyiinta oo dhan, Wasiir weliba waxa aan filayaa in uu shaqadiisa geli doono, Mashaariicda heer Gobol ama heer Federaal wixii maanta ka dambeeya waala fasaxay, dhowrkii sano u dambeysay waxa ay ciidanku ku mashquulsanaayeen siyaasadda balse waxa aan rabnaa in ay usoo jeestaan la dagaalanka Al-Shabaab” Sidaasi waxaa yiri MW Axmed Madoobe.

Khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha 9aad ee JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sababay in Villa Somalia ay ciidan geyso Gobolka Gedo.