MW Hirshabeelle oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Nabadoon Cilmi Hagar Guure.

0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ah nabadoonada Gobalka Hiiraan kaas oo ku dhintay dagaalka u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku hadlaya afka goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Nabadoon Cilmi Hagar Guure,

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa ku tilmaamay Marxuum Cilmi Hagar Guure in uu ahaa nabaddoon lagu yaqaanay ka shaqeynta nabadda door wanaagsanna ka qaatay wacyigelinta horumarka bulshada iyo dowlad-dhiska dalka.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo guud ahaan ummaad Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Nabadoon Cilmi Hagar Guure, Marxuumku waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee Gobolka Hiiraan isaga oo ku shahiiday halgan xaq ah” sida uu yirir Madaxweynaha Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Marxuumka Alle uga baryay in hoygiisa uu ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskii qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Nabadoon Cilmi Hagar Guure ayaa ka mid ahaa Nabadooda Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle, gaar ahaan Gobalka Hiiraan, kaalin weyn ayuu ku lahaa abaabulka dagaalka ay wadaan dadka deegaanka oo ay kula juraan Al-Shabaab.